Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in ay caawa socoto xaflad qaban qabo ayna albaabada u xiran tahay looguna talagalay in ay berito dhacdo, ayna kaso qayb gali doonan saraakiil katirsan NISA.

Ilo wareedyo katirsan hayada nabad sugida oo diiday inaan magacyadooda shacino Amnigoda awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in la qorshaynayo in uu Fahad Yasin xilka iska casilo madaama ay xasarad ka dhalatay wiilasha Soomaaliyeed ee la geeyay dalka Eritrea, taas oo fadeexad weyn ku noqotay maamulka gabalgoodu dhacay.

Ujeedada laga leyahay is casilada Fahad ayaa la sheegay in ay tahay sida bulshada looga jeediyo arinta ku sabsan wiilasha loo qaaday Eritrea ee ku dhamaaday dagaalka ka socdo gobolka Tigreega madaama ay xukuumada Federalka ka cabsi qabto in ay arintan dhaliso kacdoon shacab.

Dhinaca kale, Cabdullahi Kulane oo loo yaqaano Jiis Mareexaan oo ah taliye ku xigeenka NISA ayaa ka guuray xarunta NISA ee Habar Khadijo madaama ay xaalada ku xumaatay, waxaana la sheegay in markii ugu dambeysay lagu arkay garoonka Aden Cadde, isago oo isu diyaarinayay in uu dalka dibadisa u dhoofo sida ay sheegen ilo xogogal ah.

Halgan Media.