Taliska ciidanka itoobiya qaybta bariga ayaa soo saaray digniin kusaabsan xaalada amni ee magaalada Diridhaba ee gobolka Shiniile

Taliska ayaa kubooriyay dhalinyaradu inay furaan jidadka ay dhagxaanta kuxidheen, joojiyaana rabshadaha iyo qalalaasaha magaalada kajira, waxayna kubaaqeen in wixii cabasho ah ee kusaabsan dhanka maamulka suuban ay kala xaajoodaan maamulka magaalada Diridhaba.

Ciidanka ayaa sheegay in hadii digniintan laga dhaga adaygo ay qaadayaan talaabooyin amaanka lagu sugayo islamarkaana sharciga lawaafajin doono cidwalba oo rabshadahan faraha kula jirta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.