Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax Ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Koonfurta Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegay in ay qarxiyeen Saldhig ay daganaayeen Ciidamo katirsan Gumaysiga Itoobiya oo xogg ku joogo Soomaaliya.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku beegayn laba maalin kadib markii ay taliska AMISOM la wareegeyn Itoobiya oo Sarkaal Itoobiyaan ah laga dhigay Taliyaha ugu sareeyo howlgalka AMISOM.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay khasaare dhimasho iyo dhaawacba ay gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.