Ethiopian Islamic Affairs Supreme Council ayaa ku baaqay in la xidho dhamaan masaajidyada iyo goobaha dugsiyada lagu barto sida Dugsiyada iyo mal camadaha iyada oo uu cudurka Coronavirus aad ugu faafay dalka gudahiisa.

Sidoo kale ururka EIASC ayaa sheegay in muslimiinta ku hoos nool wixi loo yaqaano Itoobiya guryahooda in ay ku dukadaan iyo cibaadada ilaa uu cudurkan dhamaado.

Weli lama ogo in uu amaarkoodu hirgeli doono waayo ururka EIASC wax saamayn ah kuma lahan inta badan muslimiinta ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya gaar ahaan Soomaalida.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.