Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in ururka mucaaradka oo u dhaq dhaqaaqo Ismaamulka Tigreega loo yaqaano Salsay Woyane ayaa eedeymo culus u jeediyay Dowlada Federalka.

Ururka Salsay Woyane ayaa bayaan soo saaray iyaga oo cambaaraynayaan go’aanka kasoo baxay gudiga Doorashada ku aadan in dib loo dhigo doorashada, taas ayey ku tilmaamen inuu go’aankas uusan macquul ahayn.

Sidoo kale Salsay Woyane ayaa dalbaday in ay Ismaamulka Tigreega samaystaan gudi doorasho oo u gaar ah gobolkooda si markii xiliga doorashada lagaaro loo qabto, doorasho maadaama ay isku helayni karin xukuumada Abiy Ahmed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.