Wararka nagasoo gadhaay galbeedka ee dalka Ogadenia ayaa sheegaya in la xidhay wadaada isku xidhay degmada Ayshica ee gobolka Shiniile iyo dalka Soomaaliyeed ee Jabuuti.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Wadaniyiin ah kana damqanaya dhibaatada iyo xasuuqada ay maleeyshiyaadka Canfaarta ay kuhayso shacabka soomaaliyeed kudhaqaan xaduudka udheexeyo Ogadenia Iyo Ismaamulka Canfaarta ayaa guudahaanba xidhay jidka Ayshica Iyo Jabuuti,

Dardaaran waxaan kula dardaarmaynaa dhalinyarada Soomaaliyeed inay muujiyaan isxilqaan dheeri ah iyo feejignaan oo aysan wax fawda ahi dhicin ilaaliyaana nafta iyo maalka dadka jidka maraya iyagoo gudanaya waajibaadkooda ilaa inta xasuuqa shacabkayaga lajoojinayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.