Wararka nagaa soo gadhaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya wadada isku xidha magalada Goday iyo Hargeele oo ka kala tirsan gobolada Shabelle iyo Afdheer ayaa go’aan mudda 6 beri ah.

Iyadoo aysan jirin 6taa bari wax adeeg ah ama isu socod ah oo kajira labadaa degaan.

Wadada ayaa ka go’an dhawr meelood oo ay kamid yihiin meesha ay kagoyso Dooxada Cadaadle oo ah meesha ugu saamaynta badan uguna daran sida ay uu go’day iyo Buundada Jiris oo xigta dhinaca Afdheer, walina majirto wax tilaabo dawladeed ah oo laqaaday.

Ariintan waxaa keenay rooba Gu’a oo xog usocdo malmaahi u dambeyay, wuxuuna sababay khasara kala duwaan.

Dhinaca kale degmada Qalaafe oo katirsan gobolka Shabelle weli waxaa ka jiro xalaad cakiraan, kadib markii oo webiga oo Shabelle fatahay, mana jirto wax gurmad ay dadka weli helen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.