Wakiilka gumeysiga loo magacaabay Ogadenia Mustaf Cagjar ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socday ururka gobaniimodonka ONLF, Waxaana ay kala hadleen door ariin.

Qodobadda ay kahadlen waxaa ka mid ah:

1) In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF.

2) In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo Ogadenia

3) In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan

4) In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;

5) In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb

6) In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka

7) In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.