Kulan howleedkii Jabhadda waddaniga Xorraynta Jabhadda Ogaadeenya -Gabagabo.

06 October 2018

Kulan howleed Jabhadda Waddaniga Xorraynta Ogaadeeniya uga furmay maglaada Gabogabo kana soo qayb galeen masuulinyiin katirsan gudiga fulinta JWXO xubno gole dhexe, saraakiisha ciidanka Wadaniga Xoraynta Iyo howlwadeen kasocda gobalada Iyo degmooyin, ururada bulshada sida ururka ardayda Iyo dhalinyaradda ogaadeenya (OYSU) ururka haweenka ogaadenya (UHO), ergooyin kasocda dhamaan goboladda dalku ka kooban yahay.

Ergooyin jaaliyadda ogaadenya ee qurbaha oo howl shaqo wadanka ujoogay, Kulankan ayaa lagu dhagaystay warbixino kusaabsan shaqooyinkii lasoo qabtay mudadii usocday barnamijkii holwgalka gudaha, Waxaana laga warbixiyay waxyaabihii ergooyinka usoo qabsoomay, Sidoo kale waxay ergooyinku ka warbixiyeen waxyaabihii u qabsoomay sida abaabulkii, shirarkii dadweyne, kulanadii odayaal dhaqameedka iyo ururada bulshada ee kale.

Kulanka wuxuu ku qancay sidii howlaha balaadhan u qabsoomay

Baaq

1- in la xoojiyo midnimada shacabkeena
2- in la is cafiyo horeyna looga gudbo wixii ina soomaray
3- in si buuxda loo tageero maamulka Degaanka Somalida.
4- kulanka wuxuu ka codsanayaa maamulka inuu noqdo mid utaagan xoojinta midnimadda ummadda

Mahadnaq

Waxaa kulanka looga mahadnaqay bulshada Gabagabo ee martigaliyay kulan hawleedka JWXO taasoo taariikhda umadeena Baal dahab ah kaga qormidoonta

Jabhadda waddaniga Xorraynta Ogadeniya (JWXO)

06-10-2018
GabaGabo.

Source : Ogaden News Agency