Maxamed Cabdi kaliil Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga dowlad-goboleedka Jubbaland oo shir Jaraa’iid u qabtay Warbaahinta qayba heeda kala duwan ayaa ka warbixiyay xaalaadaha guud ee deegaanada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in Ammaanka deegaanada Jubbaland ay aad u wanaagsantahay gaar ahaan gobolka Gedo oo waayadii ugu dambeeyay ay ka socdeen Howl-gallo lagu sifeynayo ururka Al shabaab.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa dhanka kale ugu baaqey dowladda federaalka Soomaaliya,dowlad-goboleedka Jubbaland in si wada jir ah looga wada qayb qaato xoreynta iyo nabadeynta deegaanada gobolka gedo.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.