Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedaymo ay dad Canfar ahi baraha bulshada ku faafiyeen oo ku saabsan in ciidamada Jabuuti xadka kasoo gudbeen oo ay dad Canfar ah gudaha Itoobiya ku laayeen.

Wasaaraddu waxay eedayntaas ku tilmaantay mid xaqiiqada ka fog oo waxba kama jiraan ah. Warbixinta wasaaradda waxa lagu xusay inay deegaanadaasi caan ku yihiin isku-dhac joogto ah oo dhex mara reer-guuraa halkaas wada deggan oo Soomaali iyo Canfar ah oo malmahaan faraha kasii baxaayso

Sidoo kale wasaarada gaashandiga ayaa sheegay inay jiriin dalal ay Itoobiya xad la wadaagto oo dhaq dhaqaaqyo ka wado gudaha dalka Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.