Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo ay Taariikhda ku beegan tahay 26-ka July 2018 waxaa xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu xilkan sii heynayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Digreetada Wasiirka xilka looga qaaday ayaa waxaa warbahinta u aqriyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Aadam Isxaaq Cali.

Sababta xilka looga qaaday Wasiirka ayaa waxaa loo badinayaa inay tahay hadal uu sheegay ee ahaa inaanu aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka xittaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, hadalkaasi ayaa la sheegay inuu ka careysiiyay mamuulka Villa Soomaaliya.

Hadalkan Wasiirka uu sheegay ayaa noqday mid ay la yaabanaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana si wayn loogu hadal hayay Baraha Bulshada, taasi oo ugu dambeyn qasabtay inuu xilkiisa ku waayo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.