Baarlamaanka kusheega Itoobiya ee EPRDF ayaa meel mariyay magacaabista wasiirro cusub oo uu soo magacaabay Taliska Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa Madaxweynihii hore ee ismaamulka Axmaarada Gedu Andargachew u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya.

Sidoo wasiirkii difaaca ee Itoobiya Caaisha Maxamed ayaa loo wareejiyay wasiirka dhismaha iyo horumarinta magaaleynta miyiga waxaana jagada wasiirka difaaca loo dhiibay Madaxweynihii ismaamulka Oromada Dhigya Cabka Lemma Magresa.

EPRDF ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista wasiirradan cusub, hal mudane ayaa diiday 5 kalena way ka aamuseen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.