Dagaal culus oo udhaxeeya Sudan iyo Itoobiya ayaa mar kale ka dhacay xaduuda udhexeeysa labada dal, kadib markii ay Maleeyshiyaadka Axmaraada oo kaa shanaya ciidamada Itoobiya weeraren ciidamada Sudan ee kusugan xadka u dhaxeeyo labada dal.

Sida ay sheegen warbahinta Maxaliga ah ee ka howlgasho gudaha dalka Sudan, dagaalkii u dambeeyay wuxuu shalay ka dhacay degaanka Jabal Abu Teyur, waxaana la sheegay in uu dagaalka labad ka dhacay tuulada Wad Koli oo ku taalo xadka Sudan iyo Itoobiya, waxaana sido kale la sheegay in uu dagaalka ahaa mid aad u culus, taas oo keentay in uu dagaal fool ka fool ah uu dhex maro labada dhinac

Dagaalada kaso cusboonaday xaduudka u dhaxeeyo labada dal oo kala ah Itoobiya iyo Sudan ayaa kuso begmaya xili aan weli xal loo helin isku dhacyada hore dhex maray labada ciidan, waxaana la rumesan yahay in ay qomiyada Axmaraada gadaal ka rixayaan dagaalka ka dhanka ah Sudan, madaama ay tuhun weyn ka qaban in ay dhul kala wareegi karan Sudan.

Halgan Media