Waxgrad Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dalka Ogadenia ay cadowga Itoobiya gumaysato ayaa baaq nabadeed waxay kasoo saareen colaada udhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Caaqil Maxamed Cali Cumar, oo ah caaqilka guud ee beesha Geri Koombe oo kamid ah beelaha ugu tunka weyn degaanada lagu dirirayo oo ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay sida uu dagaalku ku bilowday ayaa tilmaamay inuu salka ku hayo is-qabqabsi dhuleed.

Caaqil Maxamed Cali Cumar ayaa ugu baaqay mamuulka Jigjiga inay wax ka qabtaan xasuuqda ay Oromada ku hayaan shacabka Somalida ku dhaqaan xaduudaha.

Sikastaba ha ahaatee, colaada Soomaalida iyo Oromadda oo khasaaro kala duwan geysatay ayaa la xiriirta dhulka ay wada degan yihiin labadaan qowmiyadood, kadib markii ay Oromada bilabeen dhul balaarsi.

Warkan iyo wixi kaso kordho kalasoco Halgan Media.