Maleeyshiyaadka Taliban ayaa weerar xoogan ku qaaday magaalada Kunduz oo kamid ah magaalooyinka ugu waawayn ee dalka Afqaanistan.

Weerarkan xoogan ayaa imaanaya xilli matalayaal kakala socda dowladda Mareykanka iyo Ururka Taliban ay wadahadalo uga soconayaan dalka Qatar.

Afhayeenka Maleeyshiyaadka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen magaalada Kunduz ay ku qabsadeen dhismooyin muhiim ah oo ku yaalay gobolkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha ee dowldda Afghanistan ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 34 dagaalame oo katirsan Taliban ay ku dileen weerar dhanka cirka ah oo ay ka gaysteen dhawr meel oo ay Taliban kaga sugnaayeen magaalada Kunduz.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.