Wararka laga helayo gobolka Doolo ayaa sheegaya in saakay xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaano hoos taga degmada Yucub ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhexeyso Beelo walaalo ah oo wada daga halkaasi, Waxaana ay soo jiitameysay colaadan muddo dheer, sida ay Halgan Media u sheegeen Ilo deegaanka ah.

Dhaq dhaqaaqo iska hor jeeda ayaa laga dareemayaa nawaaxiga degmada Yucub, kuwaas oo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi iyo wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal markale uu qarxo halkaasi.

Dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolka Doolo ayaa had iyo jeer soo laa laabta, kuwaas oo ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.