Wararka laga helayo gobolka Qorahay ayaa sheegaya in saakay xiisad colaadeed ay ka taagan tahay deegaano hoos taga degmada Shilaabo ee gobolkaasi.

Xiisadan ayaa lagu soo warramayaa in ay u dhexeyso Beelo walaalo ah oo wada daga qabalaha Laba-Baar

Waxaana ay soo jiitameysay colaadan muddo dheer, sida ay Halgan Media u sheegeen Ilo deegaanka ah.

Dhaq dhaqaaqo iska hor jeeda ayaa laga dareemayaa gudaha qabalaha Laba-Baar oo katirsan degmada Shilaabo, kuwaas oo u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa cabsi iyo wal wal xoogan ka muujinaya in uu dagaal ka qarxo halkaasi.

Dagaal Beeleedyada ka dhaca Somali Galbeed ayaa had iyo jeer soo laa laabta, kuwaas oo ay waxyeelada ugu badan ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.