Wararka laga helayo gobolka Shabelle ee dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah degaankaasi.

Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan degmada Cadaadle.

Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay barakac bilaabeen, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalladaasi.

Colaadan oo muddo fog soo jiitameysay ayaa waxa ay salka ku haysaa arrimo la xariira dhul beereed.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay wadaan abaabulo xoogan.

Halgan Media.