Wararka laga helayo degmada Qalaafe ee gobolka Shabelle ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal laga dareemayo qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi.

Xiisadaan oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa ka taagan tuuloyinka katirsan degmada Qalaafe oo kala ah Afwayn, Kunaso iyo Shanta Baraako.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ka qabaan inuu dagaal ka dhaco halkaas.

Siido kale hogaanka nabad galyada u qaabilsan gobolka Shabelle ayaa sii toosa utagay goobahas xiisadu katagan tahay waloow uusan xalinin isagana soo laabtay wadahallo iyo dadaallo looga hortagayay xiisadaasi uu fashilmay.

Wixii kasoo kordhaa kala soco shabakada wararka ee halgan media