Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmad Aricaddeeye ee gobolkaasi.

Xiisada ayaa la sheegay in u dhexeyso maleeshiyo Beeleed Walaalo ah oo wada daga halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa in ay salka ku heyso xiisadaasi dilal la xariira aanooyin Qabiil.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Halgan Media ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaama dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan degaanka Aricaddeeye.

Gobolka Sool ayaa waxa ku soo noq noqda dagaal Beeleedyada ka dhaca gobolkaasi, iyadoona waxyeelo ugu badan ay ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan.