Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogadenia gar ahaan gobolka Jarar ayaa sheegaya inuu xiisad uu dhaxeysa maleeyshiyaadka Liyuu Bolis iyo ciidanka gumeysiga itoobiya kusugaan magalaada Dhagaxbuur.
Maleeyshiyaadka Liyuu Bolis ayaa la sheegay in ay ka caroodeen ciidamada gumeysiga itoobiya oo magalaada Jigjiga ka kaxeysay wakiilka gumeysiga Cabdi Iley. Xogta aan helnay wuxuu sheegaya in dadka magalaada qaarkood ay bilaabeen in ay ka fogaadeen halka ay isku hor-fadhiyaan si hadii uu dagaal dhaco aysan dhibaato uga soo gaarin.
Dhinaca kale odayasha magalaada Dhagaxbuur ayaa waxa ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa xiisada u dhaxeysa maleeyshiyaadka Liyuu Bolis iyo kuwa ciidanka gumeysiga itoobiya.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.