Wararka naga soo gaaraya magaalada Hawassa ee xaruunta Ismaamulka Shuccubta Koonfured ayaa ku warramaya in caawa cabsi ay ka taagan tahay gudaha magaaladaasi.
Rabshada xoogan oo mar kale ka dhaca Hawassa ayaa laga cabsi qabaa, sida ay Halgan Media u sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Ciidamo fara badan oo isugu jira milatari iyo Boolis ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Hawassa, si ay uga hortagaan rabshado ka dhaca halkaasi.
Ariintan wuxuu yimid kadib markii 4 Qof oo shacab ah Ku dhintaay isku dhacyo xoogan oo ka Qarxay magalaada Hawassa.
Magalaada Hawassa waxa ay labadii maalin ee la soo dhaafay marti galisay qalalaase xoogan, kadib markii Ciidamada milatarig Itoobiya ay gudaha u galeen magaaladaasi, kadib markii Qomiyada Sidama ay Ku dhawaqeen mamuul gooni ka madaxbanaan Ismaamulka Shuccubta Koonfured.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.