Wararka inaga soo gaadhay magalaada Muqdishu ayaa sheegaya rag hubeysan ayaa halkaasi waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi Bajamaal, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen raggii dilka geystay inay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Magaalada Muqdisho keliya maanta waxaa lagu dilay dad tiro ahaan gaaraya 6 qof, dhammaan ragga dilalka geystay ma jiro cid gacanta lagu soo dhigay, marka laga reebo in ciidanka ammaanka ay qabteen askari gabar ku dilay Ex-control Afgoor.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.