Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Saaka oo Axad ah lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar xilli uu ku sii jeeday dhinaca Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad  ayaa dableey hubaysan kala degtay gaari uu saarnaa oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar isagoo marayay nawaaxiga Degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Kooxda hubaysan oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ayaa xildhibaanka kala degay gaari nooca NOAH-da oo uu saarnaa balse waxay fasaxeen dhammaan Rakaabkii kale.

Siido kale warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dileen xildhibaan Maxamed Maxamuud Xuurshe, waxaa ayna sheegeen in xildhibaanka ay kala degeen  gaari nooca NOAH-da oo uu saarnaa.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle.

Halgan Media.