Xisbiga Axmaraada loo yaqaano National Movement of Amhara (NAMA) ayaa sii kulul u cambarayay Dowlada Federalka Itoobiya, ayaga oo ku eedeyay Dowlada Federalka inay iska indha tirayan dhibataada lagu haayo shacabka kasoo jeedo qomiyada Axmaraada oo ku dhaqaan ismamuulka Oromada.

Cambaraynta ka yimid xisbiga NAMA ayaa soo baxay kadib markii kooxo hubeysan la sheegay inay katirsan yihiin Jabahada Oromo Liberation Army (OLA) ee Jamacaada Dembi Dollo oo ku tallo ismamuulka Ormada. Xisbiga NAMA ayaa sii sheegay inay isku deyeen inay la xidhidhan Dowlada Federalka, balse xukuumada Abiy Ahmed ee ka Qaabsaden dhacdadaan.

Xiisada u dhaxeeyo qomiyada Axmaraada iyo Oromada ayaa sii xogaystay. Sidoo kale xisbiga NAMA waa mid awood badan ku leh bulshada Axmaraada, waxaana hubaal ah inuu xalada Itoobiya marxalaad cusub geeli doono.

Warkan iyo wixi kaso kordha kala soco Halgan Media.