Xog hoos ay Halgan Media heshay, ayna u xaqijiyeen qaar kamid ganacsatada ay ariintan quseeyso ayaa inoo xaqijiyay in ururka Al Shabaab ay amartay todobo (7) ganacsato ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Bay in wixi hada laga bilaabo ay bixiyaan Zakawada iyo Canshuurta loogu talagalay.

Qaar kamid ganacsatada ku nool degmada Diinsoor oo diiday inaan magacooda isticmaalno amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqiijiyay khamista na soo dhaftay oo tariikhdu ku beegneyd 17ka biisha June ayay Al Shabaab tadobo (7) ganacsato ayey shaqsi shaqsi uso waceen, kadibna ku amreen in ay bixiyan Zakadwada iyo in sidoo kale inay bixiyaan canshuurta loogu talagalay hadii kale in tilaabo deg deg laga qaadi doona, taas oo micnaheeda loo fasiri karo in la begsan doono hadi ay iska dhagooleyen amarka.

Ganacaasatada oo gaaraysa ila tadobo ruux ayaa la sheegay in lacagta u shaqsi walba bixinayo ay kala duwaan tahay, waxeyna gebi ahaanba ganacsatada ay yihiin dad magaalada Muqdisho badeeco kasoo rarta sida aan xogta ku helnay, waxaana loo badinayaa in sidaas awgeed ay Al Shabaab xogtooda ku heshay, madaam ay kooxda Al Shabaab magaalada Muqdisho ka dhigteen mel ay iyagoo leyihiin markii la firiyo sida waalida ay canshuurta uga gurtaan ganacsatada ku nool caasimada dalka.

Degmada Diinsoor oo ku tallo Gobolka Bay ayaa ah degan go’doon ku jira 9kii sano ee ugu dambeyay iyaaad diyaarada oo kaliye lagu geeyo gargaar mararka qaarne alaab iyo badeeco , sido kale ganacsatada ku nool degmada Diinsoor ayaa ah kuwa aad u yar waxaana jira ganacsato deegaanka u dhashay oo ka cararay cadaadis ugu yimid Al Shabaab kadib markii ay diideen Canshuur xad af ah oo Al Shabaab ay kusoo rogtay ganacsatada.

Halgan Media.