Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee xaruunta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay amaro culus kusoo rogen Magaalada taas oo sameeyn weyn ku yelatay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kooxda Al Shabaab ayaa joojiyay shidaalkii soo gaari jiray Magaalada Baydhabo, waxaana Al Shabaab ay mamnuuceen guud ahaan gawaariga shidlaaka qaada in ay galaan gudaha magalada Baydhabo, waxaana la xaqijiyay in uu amarkooda hirgilay sida ay Halgan Media u sheegen ilo katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugun Magaalada Baydhabo.

Ciidamada xogga dalka qaybta 60aad oo xaruuntoda ay ku taallo Baydhabo ayaa bilaabay in ay si hoose uga ganacsadaan inta yar oo Shidaal oo ku hartay Magaalada, taas oo keentay in bulshada ku nool Magaalada ay bux dhafiyan xerada ciidamada xogga dalka si ay u iibsadan shidaalka.

Hoos waxad ka arki karta sawiro qarsoodi ay Halgan Media ka heshay gudaha Xerada Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyed oo shidaalka si qarsoodi loga ganacsanayo.

Magaalada Baydhabo waxay sanooyin badan ku jirtaa Go’doon, iyadoo ay babuuraha wado Shidaalka ku qasban yihiin in ay ku dhex safran dhulka ay Al Shabaab maamusho si ay u garaan Magaalada Baydhabo, taasa ayaa keentay in ay Darawaalada gariyasha logu qasbo in ay bixiyan canshuur had dhaaf ah iyo in ay Al Shabaab si fasaxdo sidi ay garan Magaalada.

Sida aan xogta ku helnay, amarka ka yimiid Kooxda Al Shabaab ayaa yimiid kadib, markii uu sare u kacay xadhiga iyo tacadiyada ay maamulka Koonfur Galbeed u geystaan dadka rayidka ah ee ku nool Baydhabo gaar ahaan kuwa u safro dhulka ay ka ariimiyan Al Shabaab iyagoo u tagaya halkaa Maxkamada Sharciga Islaamka oo ka jirta dhulka ay Al Shabaab maamusho.

Maxkamadaha ka jirto Magaalada Baydhabo iyo degaanada kala ay ka ariimiyan Dowlada Soomaaliya iyo maamul gobaladyeeda ayaa ah kuwa musuq masuq badan oo ay lacag iyo hab qabil oo kali ka shaqeeyso. Cadaalad darrada noocaas ah ayaa sababtay in dad aad u farabadan oo ku nool magaalada Baydhabo in ay u boqdan dhulka Al Shabaab maamulan sida ay Cadaalad u heli lahayeen, taasna waxa aad ugu carooday maamulka Koonfur Galbeed.

Dad aad u fara badan oo isagu jiro rag, haween iyo wayeelo ayaa Mudooyinkii ugu dambeyay buux dhafiyay xabsiyada Magaalada Baydhabo kadib markii maamulka Koonfur Galbeed ay ka war helen in ay u boqdeen Maxkamada ku yaala dhulka ay maamusho Al Shabaab, taas ayaa sababtay in dad badan oo rayid ah lagu dhex ciqaabo xabsiga dhexdiisa halka qarna ay u dhinteen ciqabta iyo jirdilka ka socoto gudaha xabsiga ee Magaalada Baydhabo.

Xubno sare oo karirsan Al Shabaab, una qabilsan Wilaayada Islaamiga ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa ariintani uga shiray, iyago marka kadibna Go’aamiyay in gebi ahaanba La joojiyo shidaalka soo gaari jiray Magaalada Baydhabo, waxaana ay maamnucen gawaarida sida shidaalka in ay gudaha u galaan Baydhabo.

Ujeedada laga leeyahay Go’aanka wuxuu ahaa sida mamuulka Koonfur Galbeed loogu cadaadidin lahaa in uu joojiyo ciqabto iyo tacadiyada ay ku hayan bulshada ku nool Baydhabo ee u safara Maxkamadaha ku yaala dhulka ay Al Shabaab maamusho, sida muuqatane Al Shabaab waa ay u hirgashay.

Cali Sacid Fiqi oo ah Guddomiyaha Barlaamanka Koonfur Galbeed ahna gacanta midig Cabdiaziz Laftagareen ayaa marwalba howsha ku sabsan Koonfur Galbeed la wareego markii uu Cabdiaziz Laftagareen ka maqan yahay degaanka.

Sawir : Cali Sacid Fiqi

ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Shir albaabada u xiran, kana socday madaxtooyada uu Cali Sacid Fiqi ku go’aamiyay in La joojiyo tacadiyada loo geysanayo dadka ku nool Baydhabo gaar ahaan kuwa cadaalada u radsaday dhulka ay maamusho Al Shabaab, sidii ay kooxda Al Shabaab ay dib ugu fasaxaan shidaalka soo gaari jiray Magaalada Baydhabo.

Go’aanka u qaatay Cali Sacid Fiqi ayaa la sheegay in uu ahaa mid u ku qasbanaa madaama Shidaal la’aanta Magaalada Baydhabo ay gaartay heer aysan weligeed garin taas oo sameeyn ku yelatay isku socodka Magaalada oo ah mid sanooyin badan ku jirto Go’doon.

Halgan Media