Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkisa Yusuf Dabageed ayaa ariin lama filaan ah kala kulmay kadib markii ay maanta kaso degteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Macawisleeyda oo laf dhabar u ah Halganka hubeysan ka dhan ah ururka Al-Shabaab, ayaa gebi ahaanba diiday in ay la kulman Cali Guudlaawe iyo Yusuf Dabageed, sida uu Halagn Media u xaqijiyay sarkaal katirsan maamulka Hirshabelle.
Sida aan xogta ku helnay, ciidamada Macawisleeyda ayaa ka caraysan taageero la’aanta maamulka Hirshabelle oo ku saabsan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, taasna baa keentay in taliyasha wado ababuulka ciidamada Macawisleeyda diidan in ay garoonka degmada Maxaas kuso dhaweeyaan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.
Waayahi dambe dagaal culus ayaa ka socdo gobolka Hiiraan oo u dhaxeeyo ciidamada Xogga Dalka iyo ciidmada Macawisleey oo hal dhinac ah, iyo ururka Al-Shabaab oo dagaalka lagula jiro.
Halgan Media