Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay dad Xoolo dhaqato ah ay xalay ka afduubeen tuulada Daarusalan ee hoos tagto degaanka Kunton.

Dad goobjoogyal ah ayaa Halgan Media u sheegay in xalay abaarihii afar sac habeenimo ay ciidamada Kenya kuso dateen tuulada Darasalaan, kadibna guryahooda kala baxen 4 qof oo shacab ah oo kamid ahaa xoolo dhaqatada ku dhaqan tuulada.

Markii 4ta ruux guryahooda kala baxeen, ayey ciidamada Kenya ka tageen tuulada, iyagoo oo sii watay 4ti qof. Mana la ogo mesha ay u kaxaysteen dadka ay afduubteen.

Waxaan helnay magacyaada dadka la afduubay, waxaayna kala yihiin.

  • Maxamed Ibrahim
  • Cabdifatah Diriye
  • Cabdullahi Cali
  • Cabdifatah Xassan

Qafasashada ay ciidamada Kenya ka geysteen tuulada Darasalaan ayaa imaanaysa sedax ciisha kadib markii ay qof shacab ah ay dileen Iyadoo 4 kalena ka afduubteen tuulada Yado ee isla gobolka Gedo.

Halgan Media.