Ilo amni oo naga codsaday in aan magacyadoda la shaacin ayaa Halgan Media u sheegay in 500 oo askar katirsan hayada nabad sugida (NISA) kana howlgallo magalaada Baydhabo ay ku wajahan yihiin caasimada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, ciidamadan oo katirsan NISA kuna sugan magalaada Baydhabo ayaa la qorshaynayaa in la geeyo iskuul Poliziya oo ku yallo magalaada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ciidamadan gebi ahaanba ay kasoo jeedan beesha Digil.

Ciidamadan laga keenayo Baydhabo ayaa la doonayaa in loo adeegsado qorshayaal guracan ay wadaan Farmaajo iyo Fahad Yasin, madaama ay ciidamada u badan ee ka howl gallo magalaada Muqdisho ay kasoo jeedan degaanada Hirshabelle Iyo Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo agaasimaha Nabad sugida Fahad Yasin ayaa taaka ka ah beesha Hawiye oo gebi ahaanba mucaaradka xukuumada hada jirto ah.

Halgan Media.