Warar hordhac ah oo hada soo gaaray Halgan Media ayaa sheegaya in qayba kamid ah gobolka Bakool uu dagaal xoogan ku dhex maray laba dhinac oo katirsan ururka hubeysan ee Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay meesha loo yaqaano Beer Arjeeg oo udhow degaanka Kurte ee gobolkaasi.

Sida aan xogta ku helnay dagaalyahanada katirsan Al Shabaab ayaa lugeynayey, waxeyna labada dhinac kuwaba kuwa kale ay moodeen iney yihiin ciidanka dowlada ama kuwa Koonfur Galbeed, waxaana islamarkii goobta ka dhacday israsaasayn dhex martay labada dhinac.

Xubno dadka degaanka kamida ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu Amir katirsan Al Shabaab ku dhintay dagaalka, waxaana Amir-ka magaciisa lagu soo koobay Yusuf.