Xog hoos ay heshay Halgan Media ayaa sheegay inuu xalay magalaada Muqdisho dagaal ka gacan ka hadal dhex maray masuuliyin dowladeed kasoo jeedo gobolka Gedo.

Taliyaha xasilinta gobolka Gedo mudane Bakaal Kooke iyo Gudomiyihii hore ee degmada Luuq Maxamed Cabdulahi “Gardhuub” ayaa dagaal gacan ka hadal ku dhexmaray mid ka mid ah hotelada Muqdisho siid ay sheegan dad goobjoogyal

Dagaalka ayaa loo sababeynayaa xil ka qaadistii Gudoomiyaha hore ee degmada Luuq,  balse qar kamid dadka joogay goobta ayaa sheegay in lacago loo balanqaday guddomiyaha hore ee degmada Luuq Maxamed Cabdullahi “Gardhuub” oo ay oga baxeen Bakaal Kooke iyo Macalimuu.

Bakaal Kooke ayaa magalaada Muqdisho soo garaay Jimcaada, wuxuuna horey usii maray degmooyinka Bardheere iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Halgan Media.