Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday in aan magacyadooda shaacino amnigooda awged ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray ergayga gaarka ah ee wasaaradda arimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan arimaha xalinta khilaafaadka iyo la dagaalanka argagixisada Mutlaq Al-Qahtani iyo Mukhtar Robow.

Sida aan xogta ku helnay, Mutlaq Al-Qahtani ayaa dalbaday in uu la kulmo Mukhtar Robow oo ah shaqsi labo sano iyo bar qaab sharci darro ah uxirnay kooxda Farmaajo iyo Fahad balse Mukhtar Robow markii oo ka war helay kulanka ayaa labo shuruudo ku xiray kulanka, taas oo kala ah in turjuubanka loo keenayo oo yahay mid isagu dortay iyo waqtiga kulanka u go’aamiyo Mukhtar Robow.

Mutlaq Al-Qahtani ayaa rali gelin ka bixiyay in dhaqaalaha ay dowlada Qatar siyso xukuumada Federalka loo adeegsado Mukhtar Robow, taas oo sababay in dad shacab lagu xasuuqay degaanka uu kasoo jeedo (Koonfur Galbeed) maalinti la xiray, wuxuuna Mutlaq Al-Qahtani hadalka ku daray in magdhow la si doono iyo in ay dowlada Qatar ku jirto sida xabsiga laga sii deey lahay iyo in uu howsha marayo gabagabo.

Kulaanka u dhaxeeyay Mutlaq Al-Qahtani iyo Mukhtar Robow waxa laga si hadlay sida Mukhtar Robow loo wareji lahay degaanka uu kasoo jeedo (Koonfur Galbeed) markii xabsiga laga soo deeyo, taas oo micnaheeda ah in maamulka Koonfur Galbeed loo gacan geli doono.

Ilo wareedyo ayaa warbahiinta Halgan Media u xaqijiyay in uu kulanka socday 5 sac iyo 40 daqiiqo toos, kadibna u Mutlaq Al-Qahtani ka baxay goobta shirka ka socday, kadibna turjubanka Mukhtar Robow ayaa baxay, markas ayey ciidamada uso galen Mukhtar Robow, kadibna ay si kaxeysten, kadib ma jirin cid ku xartay qolka oo shirka ku socday.

Sida muqato dowlada Qatar ayaa wado dadaalo xogan sidii ay heshiis u la gaari lahayd Mukhtar Robow, waxana la ogayn in uu Mukhtar Robow aqbali doono dalabka ka yimid Dowlada Qatar madaama Fahad Yasin oo ah wakiilla Qatar u qabilsan Somalia uu xabsi ku ciqabayay Mukhtar Robow labadii sano iyo barkii u dambeyay.

Halgan Media 

Email : info@halganmedia.net