Wararka laga helayo gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Maleeshiyadka Danab oo ay dowlada Mareykanka tababartay ayaa qof shacab xalay ku dilay gurigiisa sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo lagu kalsoonan karo.

Sida aan xogta ku helnay, Maleeshiyadka Danab ayaa xalay lix sac oo habeenimo guriga ugu soo dhacay qof shacab oo ku nool degmada Wanlaweyn, iyagoo kasoo galay albaabka hore ee guriga. Islamarkii ayey rasaas bilaaben, waxaana marxuumka gurigis ku dhex toogten Maleeshiyadka Danab sida aan kasoo xiganay ilo lagu kalsoonan karo oo diiday inan magaciisa isticmaalino sababa amni awged.

Marxuumka ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdulla Cumorow. Sido kale xogta aan helnay waxay Halgan Media xaqijiysay in marxuumka qoyskiisa ay ku sugnayan guriga xiligii ay Maleeshiyadka Danab dileen, taas ayaa keentay in ay sii Kororto cabsida iyo marugada ku habsatay qoyska Kuwaa Oo ka murugeeysan sida ay arxan darada ah ee loo dilay Marxuum Cabdullahi cumow

Dilka kadib, Maleeshiyadka Danab ayaa marxkuumka meydkis qaatay waxana lasii saray baabur ay waten Maleeshiyadka Danab, waxaana ay ula dhaqaqeen dhinaca xerada Balidoogle oo ah xaruunta u weyn oo ay ciidamada Mareykanka ku leyihiin Soomaaliya.

Hoos waxad ka arki kataa sawirka Marxuumka ay Halgan Media heshay  ay xalay dileen Maleeshiyadka Danab.

Sida aan xogta ku heyno, Saraakisha Mareykanka iyo Maleeshiyadka hoos tagto ee loo yiqaano Danab wali ma soo celin meydka marxuumka si ay eheladiisa u aastaan, mana muqaato in ay soo celin doonan, wuxuuna ila hadda meydka Allahu Naxaristo Cabdalla Cumurow yaala saldhiga uu Mareykanka ku leeyahay Balidoogle

Sido kale dad badan oo shacab ayey dileen Maleeshiyadka Danab ayaa meydadkooda yaala xerada Balidoogle, halka ay jiran dad badan oo aan waxba galabsan Kuwaa Oo ku xiran xabsiyada qarsoodi ee ku yallo xerada Balidoogle, waxaana ay la kumaan ciqaab adag oo ay u geeystaan saraakiisha Mareykanka iyo Somalida u adeegto.

Halgan Media