Horn of Africa Monitoring Group. 

Maxaa ka socdo Jigjiga ? Yaase jilaya ciyaarta ? Xageyse u socota ?

Ethiopia & Jigjiga waxaa ka socda waxaan caadi ahayn, kooxeysi & iska-takhalusid, malayshiyaad qabiil oo dharkii ciidan loo xidhay & waxyaabo kale. Marka laga tago arimaha Ethiopia & Kenya & Ethiopia & Masar, Ethiopia & Tigray, waxa xigaa waa deegaanka Somalida.

Deegaanka Soomaalidu waa deegaanka ugu amaan badan, ugu maciishad wanaagsan, uguna mustaqbal wanaagsan dhamaan deeganada Ethiopia, sababtuna waa nabada, shacabka & Somaliya oo saanad u ah, waxaana ma aha waxay Ethiopia aqbalayso. Marka waxyaabahaa ayaa lagala dagaalamayaa. Muhimadu waa in ciidamada & sirdoonku marwalba magacaaban madaxda gobolku, hadana qalalaase loo abuuraa!

Dhamaan dadka uu Mustafa ka shakiyay ama colaada u qaaday waa qaraabo & asxaab dhow, waana kuwa loo soo dhiibay fariinta, kala shaki ayaana dhacay. Sheekadu kuma eka Gasiile, Bisle, Ilyaas & Cabdi-caadil kaliya ee dad badan ayaa ku jira, waxaana la filayaa inay maalmaha soo socda u baxaan Addis Ababa oo ah halka ciyaarta laga hayayo. Aadan Faarax, Ku-Xigeenka Mustafa Cagjar waa joker, sheekada waxna ka ogaa hadana dhinac ayuu u socdaa. Axmad Shide waa buundada Oromadu soo mariso waxay qorsheyneyso!

Arinku wuxuu ku lugleeyahay musuq & lacag-boob maamulka dhexdiisa ah. Markii hore, ku-xigeenka ciidamada Jigjiga oo Oromo ah ayuu ahaa ninkii lahaa yaan la sheegin musuq, maanata wuxuu horboodayaa ololaha lagaga soo horjeedo Mustafa Cagjar & maamulka. Arimaha shidaalka Somalida, doorashada & tirakoobka, mashaariicda & miisaniyadda, & Somaliya & Jubaland ayaan ka madhen.

Mustafa Cagjar wuxuu ku eedeeyay urukii dhalinyara ee EPRDF ee HEEGO & ONLF inay ka dambeeyeen xaaladda, waana wax khiyaal ah & sheeku uu soo abaabulay sirdoonka Oromadu

Qofka doonaya inuu wax haleeyo madaxa ayuu minjo u rogi si aanu waxba u hagaagin. Waxyaabaha la yaabka ah waxaa kamid ah in Xuseen Xaashi oo ku takhasusay Public Health Management laga dhigay hogaanka Nabad-Galyada & Cadaalada waxaana hoos imanayaa Liyu Boolis

Sheekada waxaa ka dambeeya madaxda sirdoonka & ciidamada Ethiopia oo ah Oromo, ujeedkuna waa in Somalida la isku mashquuliyaa. 22 Jun 2019 sheeko noocan oo kale ah ayaa lagu dilay Amhara Region President Ambachew Mekonnen.

Labadii sano ee wax maamul ama shaqo dowlad ah kama jirin gobolka Somalida, waxaana ugu wacan culays & jahowareerin maamulka Addis, & karti-xumo & isku kalsooni la’aan maamulka deegaanka. Mustafa Cagjar waxaa lagu eedeyaa jilayc & wada-tashi la’aan la fahmi waayay ayaa isugu darsamay, & asagoo wax walba kula orda maamulka Oromada Addis!

Xaalada Jigjiga waxaa abuuray sirdoonka ayagoo naasix isaga dhigaya Mustafa Cagjar, walina ma dhamaanin, meeshay ku biyo shubanna ma cadda. Bulshada Somali – wax-garad & odyaal – waa inayna iska daawanin waxa gobolka ka socda. Hadday ku guuleysaan arinkan wuxuu keeni karaa deegaanka oo wax la qabsada Ethiopia, haddii kale sidaa umbaa lagu jirayaa!!

W/Q : Horn of Africa Monitoring Group