RW Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta safar aan hore loo sii shaacin ku tagay magalaada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, wuxuuna la kulmay hoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo.

Kulanka dhex maray Abiy Ahmed iyo Mike Pompeo ayaa la sheegay inay dhowr arimo kaga hadlen oo kamid ah xalaada cakiran oo ka taagan dalka Itoobiya oo malin walba kasii daraaysa.

Kulankan ayaa yimid asbuc kadib markii 20 xildhibaan oo katirsan aqalka sare ee Mareykanka loo yaqaano Congress-ka ay soo sareen bayaan ay kaga codsanayaan RW Itoobiya Abiy Ahmed inuu wax ka qabto dagaalka Udhexeeyo qomiyadaha iyo isir naceebka ka socdo dalkaasi.

Itoobiya mar walba ay cagta Sarto wadada burburka, waxaa badbaadiyo reer galbeedka, khasatan Mareykanka, waxayna dad badan amiinsan yihiin kulanka maanta dhex maray RW Itoobiya iyo xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka mid ku salaysan sidii loo badbaadin lahaa Itoobiya.

Halgan Media.