Warar hordhac ah oo naga soo gaaray gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Cabdullahi Kulane ee loo yaqaano Jiis Mareexaan oo ah taliyaha ku xigeenka hayada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa safar Qarsoodi ku tagay degmada Luuq.

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday in aan magacyadooda shaacino amnigooda awged ayaa Halgan Media u xaqijiyay in uu Cabdullahi Kulane kasoo degtay Garoonka degmada Luuq, kadibna gudaha u galay magaalada iyadoo ay la socdan ilaalo gar u kasoo kaxeysteey Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, waxa isla maanta Garoonka degmada Luuq kasoo degtay diyaarad kale oo waday masuuliyin sare katirsan maamulka Gobolka Gedo oo kala ah Taliyaha NISA u qabilsan Gobolka Gedo, Cabdiraxman Cabdullahi iyo Bakaal Kooke oo ah taliyaha ciidamada xasilinta ee Gobolka Gedo.

Lama ogow ujeeda laga leyahay safarka Qarsoodiga ay masuuliyinta ku tagen Gobolka Gedo, balse ilo xogogal ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Cabdullahi Kulane iyo Bakaal Kooke ay ku wajahan yihiin Magaalada Garbaharay.

Halgan Media