Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegeysa in taliyaha ku xigeenka hayada nabad sugida, Cabdullahi Kulane, kuna magac dheer Jiis Mareexaan uu kulamo ka wado gobolka Gedo malmaahi u dambeyay.

Sida aan xogta ku helnay, sedax malin ka hor markii ay tarikhda aheyd 30ka biisha August, taliye ku xigeenka NISA, Cabdullahi Kulane ayaa kasoo degay garoonka magalaada Beled Xawo ee gobolka Gedo, kadibna masuuliyin kasoo jeedo gobolka ay kuso dhaweyen magalada.

Malmihii u dambeyay waxa magalaada Beled Xawo kasocday shir ay ka qayb galeen masuuliyin, wax garad Iyo siyaasin kasoo jeedo beesha Mareexaan, waxaana maalintii u dambeysay shirka ee 30ka August ka qayba galay Cabdullahi Kulane.

Goobjoogayal goobta kusugnaa uu shirka ka socday oo diiday in aan magacooda sheegno ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in shirka uu ahaa mid lagaga hadlayay sidii shacabka Reer Gedo ay masirkooda Iyo ayaahoda uga tashan lahayeen, balse ka qayb galka taliye ku xigeeka NISA, Cabdullahi Kulane oo shirka kaso qeyb galay malinkii u dambeysay ay dood badan dhalisay Iyo dad badana shaki gelisay.

Halgan Media.