Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo jooga magaaladda kismaayo ayaa sheegeya in uu geeriyoodey Ganacsade shaafi raabi kaahin oo ahaa xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed ahaana Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubbland.

Shaafi raabi ayaa waxaa uu ahaa nin Dowladda Federalka ah ay u aragto cadowdeega, taageero buuxda oo dhanka Maaliyadda ahna la garab taagnaa Madaxweyne Axmed Madoobe.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee NISA Fahad Yasin ayaa dhowr jeer sida la xaqiijiyey shaafi u abaabulay dil khaarijin ah, hase ahaate laguma guuleysan, waxaa kaloo jiray in Cabdulaahi Kulane oo loo yaqaano Jiis-Mariixaan oo isna dhowr jeer dambcay in shaafi lagu khaarijiyo gudaha Kenya, hase ahaatee ku fashilmay shirqooladii uu dhigay oo ilaa 4 ahaa.

Ganacsade shaafi Allah u naxariistee waxaa uu ahaa shaqsi nabada jecel oo ka dhex shaqeysan jiray bulsha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto magacna ku lahaa gudaha & dibadda dalka.

Xigasho : Muqdisho Online