Dowladda Jabuuti ayaa talalabo aan la aqbali karin ku qeexday go’aan jabhadda Cafarta dalkaas ee FRUD armé loogu ogolaaday inay xafiis ka furato gudaha dalka Itoobiya.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Zakria Checik Ibrahim oo dhowaan la kulmay dhiggiisa Itoobiya Adem Mohammed ayaa waxa uu cabasho kaga muujiyey inuu maamulka Cafarta dalka Itoobiya ee ANRS uu jabhadda FRUD armé u ogolaaday inay xafiis ka furato halkaas, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Jabuuti u sheegeen Halgan Media.
Jabuuti ayaa rumeysan in qorshaha xafiiskaas uu yahay in lagu qoro dagaalyahanno Cafar Itoobiyaan ah oo jabhadda FRUD armé kala qeyb gala dagaal ka dhan ah dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Taliyaha ciidamada Itoobiya Adem Mohammed ayaa u sheegay dhiggiisa Jabuuti inuusan hayn wax xog ah oo ku saabsan furitaanka xafiiskaas, islamarkaana uu ku kalsoon yahay in hoggaanka Cafarta Itoobiya aysan sidaas sameeneyn.
Taa beddelkeeda, Jeneral Adem Mohammed ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti inay ka qeyb galeen dagaal dhex maray maleeshiyada Canfaarta iyo Somalida, islamarkaana qaarkood ay qabteen Ismaamulka Canfaarta.
Mar la weydiiyey in haddii ay jiraan ciidamadaas uu usoo gacan geliyo Jabuuti, Jeneral Adem ayaa ka aamusay.
Dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka walaacsan in haddii Canfaarta dalkiisa ay taageero ka helaan tan Itoobiya ay halis xooggan ku noqon karaan.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.