Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada ammaanka ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyey ciidamada maamullada Galmudug iyo Puntland oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay geysay magaaladaasi.

Saraakiisha horkaceysay howlgalladaasi ayaa sheegay in u jeedkooda uu ahaa xaqiijinta amniga Gaalkacyo, iyadoona baaritaano laga sameeyey koonfurta iyo waqooyiga degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in baaritaanadaasi lagu soo qab-qabtay dad badan oo looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab oo inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulisa halkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in howlgalladu inta ay socdeen saameeyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Gaalkacyo lagu toogtay nin hubeysnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug, halka mid kale oo ganacsade ahaa balse lagu eedeeyey inuu xiriir lalaaha ninka la dilay lagu qabtay koonfurta degmadaasi.