Ugu yaraan 24 ayaa ku dhintay dibad-baxyo rabshado wata oo maalintii labaad ka socda Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya.

Ciidanka Amaanka ayaa toogasho ku dilay tiro dad ah, kuwo kalena waxa lagu waramayaa in ay toogteen kooxo rabshad wadayaal ah.

6 qof ayaa lagu dilay magaalada Dodola, 2 Ciidan Ilaalinayey meel warshad ah ayaa ku dilay Adama.

Geesta kalena 5 ayaa iyaguna ku dhintay deegaanka Ambo, halka 3 qof oo kalena lagu dilay magaalada Harar, kaasoo uu dilay Askari dawladda ahi.

Hammarressa ayaa iyana lagu dilay hal qof (1 Qof)

Magaalad Diridhaba 5 ayaa lagu dilay, kuwaasoo 4 kamida maanta la dilay.

Deegaanka Baroda waxa isna ku dhintay  5 ruux.

Tirada dhimashada ee la sheegay waa inta ilaa hadda la hubo, waxaana jira dad badan oo dhaawacmay iyo tobanaan xabsiyada loo taxaabay.

Masuuliyiinta Dawladda, Odayaasha Qoomiyada Oromada iyo dad kale oo miisaan ku leh gobolka ayaa ugu baaqay dadka in ay joojiyaan dibad-baxyada oo ay ka war sugaan ladqabo ay dawladda hordhiyaan.

Mudaharaadyada ayaa ka dhashay, qorshe ay dawladdu doonaysay in ay ilaaladda khaaska ah ugala noqoto Jawahar Maxamed oo ah 33 jir caan ku ahaa kacdoonkii Qoomiyada Oromada ee sababay isbedelkii dalkaas ka dhacay sanadkii hore.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.