War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 2/3/2020 ay laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxaa uu kordhiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu la beegsado Xubnaha ka tirsan xarakada Al Shabaab, waxaana muddo laba bil gudaheeda ah uu fuliyey in ka badan 17 Weerar oo dhinaca cirka ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.