Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta weerar qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Menti oo katirsan gobolka Wollega ee ismamuulka Oromada.
Weerarka oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday xarun Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Menti, halkaasi oo illaa iyo laba Bam Gacmeed lagu tuuray, sida ay sheegan idacaada BBC laanta Oromada.
Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintaay weerarka, iyo sedax kale oo Ku dhawaacmay. Sidoo kale weli Ma jiro illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi oo ku aadan weerarkaasi.
Maalmihii dambe ayaa waxaa weeraro gaama ah lagu qaadayay fariisimaha Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha Ismaamulka Oromada.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.