Wararka ka imaanaya dhulka Somalida ay Kenya gumaysato loo yaqaano NFD, ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab ay saacado kooban la wareegeen, degaan lagu magacaabo Haluuqa oo hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka NFD.
Degaanka Haluuqa oo kaabiga ku haya xuduudka u dhaxeeyo gobolka NFD iyo Soomaaliya, ayaa sida la sheegayo dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab si nabad gelyo ah kula wareegtay, kadib markii ay isaga carareen Ciidamada Kenyan ah oo halkaasi joogay.
Dableyda hubaysan oo saacado kooban degaanka haystay, ayaa dab qabadsiiyay xarun ay halkaasi ku lahayd Shirkadda Isgaarsiinta kenya ee Safaricom, balse lama soo sheegin khasaare kale oo ay gaysteen.
Al-shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay degaankaasi ka fulisay lagu gubay xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Kenya. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa xaqiijisay weerarku laakiin wax faahfaahin ah kama bixin.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.