Wararka naga soo gaaraya Ismaamulka Oromada  waxay sheegayaan Tuulooyin ka tirsan gobolka Guji in Ciidamada Itoobiya ay ku Gubeen Guryo badan oo ku yaaley tuulada Gumi Eldalo oo ka tirsan gobolka Guji, waxaana la xaqiijiyey in ay khasaaro ka soo gaartey Dad degenaa tuulada.

Guubashaan ayaa timid markii ay dagaalo ay dhexmareen Ciidamada Itoobiya iyo Jabhada OLA, kadibna waxa Khasaaro ka soo gaartey Dagaaladaas Ciidamadii Itoobiya.

Waxaa kaloo lagu waramey Dadkii degenaa Tuulada Gumi Eldalo ayaa halkaa ka barakacay una cararey Deegaano kale.

Ismamuulka Oromada waxaa ka howl gallo Jabhada OLA oo awood badan ku leh degaanadasi, waxaayna dagaal fool ka fool kula jiraan Ciidamada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.