Ugu yaraan 300 oo Askari kana mid noqonaya Daraawiishta Soomaaliya ayaa tababar waxaa uu uga furmay  Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ka mid noqonaya Booliska Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ka koobanyihiin qeybaha kala ah, Daraawiishta, Birmadka iyo Haramcad oo dhamaataantood hoostaga Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed  Xijaar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka tababarkaan ayaa sheegay Ciidamadan in ay baran doonaan tababar gaar ah, dhamaadka tababarkana si wanaagsan loo qalabeyn doono sida uu sheegay.

“Dhammaadka tababarkan ciidamadeenna gaarka ee booliska oo ay kamid yihiin Haramcad, Daraawiishta iyo Birmad waxay noqon doonaan kuwa si buuxda u qalabeysan, xoogooda oo la isku geeyana wuxu noqon doonaa mid awooda inuu sugo xarumaha bulshada” Tayuu yiri Janaraal Xijaar.

Mashuurca Tababarkan oo shan sanadood ah ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub, Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaamineysa halka tababarka ay bixnayaan Saraakiil ka socda AMISOM, Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.