Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Kenya ku eedaysay Faragalin ay ku heyso siyaasada Arimaha Gudaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay faragalin Amni iyo Siyaasadeed ku haysa Soomaaliya taas oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay aad uga Xuntahay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay Faragalinteeda u adeegsanayo Ciidanka Kenya oo qayb ka ah Howl galka Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AMISOM.

“Xuduuda Labada dal waxaa Masuul ka ah caasimadaha lada wadan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.