Maamulka Jubbaland ayaa galabta magaalada Kismaayo kusoo bandhigay nin Ugaas ah oo horay uga tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Warbaahinta Jubbaland ayaa lagu baahiyey sawirka iyo macluumaadka ugaaskan, kaas oo isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Jubbaland ee ka howlgala degmadda Af-madow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugaaska ayaa magaciisa lagu sheegay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaano Maadeey, kaas oo sheegay in uu ka soo baxsaday Al-Shabaab.

Ugaaskan ayaa waxaa la sheegay in uu Al-Shabaab uga soo baxsaday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo uu muddo ku noolaa, taas oo ka mid ah goobaha ay ugu awooda badanyihiin Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa sheegtay in Ugaaskan uu kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee Al-shabaab ay sameysteen, kuwaas oo ay ugu tala galeen in ay u matalaan beelaha dega gobollada Jubbooyinka, isla markaana uu Shabaab u matalayey mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Ugaaska Maxamed ayaa sheegay in laba cisho ka hor uu kasoo baxsaday degmada Jilib, kadib markii sida uu sheegay ay Al-Shabaab dhibaato u geysteen, waxuuna iska dhiibay degmada Af-madow, iyadoo loo gudbiyey magaalada Kismaayo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.